Home » July 31st, 2010 Entries posted on “July, 2010”

Sami Khedira oo si rasmi ah ugu biiray Real Madrid

khe

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Studgart ee wadanka Jarmalka Sami Khedira ayaa kama dambeys ku biiray kooxda Real Madrid ee wadanka Spain. Kooxaha Madrid iyo Studgart ayaa ku kala wareegsaday laacibkaan aduun lacageed oo gaaraaya 14 milyan oo Yuro. Khedira, ayaa qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ugu cayaaraayo naadiga Los Blancos. [...]

July 31st, 2010 | Posted in Cayaaraha,Maxaa Cusub?,Slider | Read More »

Ogeysiis ..Ogeysiis. Shabakada www.codkasomalia.com oo hawada soo gashay

ogeysiis

Shabakadda www.codkasomalia.com waa website ku baxaaya afka soomaaliga, waxa uuna hawada soo galay 28 july 2010. Shabakadaan waxa ay usoo gudbin doontaa bulshada ku hadasha afka soomaaliga iyo kuwa kalaba wararkii u dambeeyay ee caalamka, Sports xiiso leh, sheekooyin iyo Madadaalo ku saabsan arimaha bulshada. Gudoomiyaha shabakadaan Jamiila Hassan Garuun ayaa ka war bixineesa waxa [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider | Read More »

Xukuumadda KMG oo kalsoni weydisaneyso barlamanka

baarlamaanka-hore

Xukuumadda KMG ayaa hor tageysa golaha baarlamaanka maalinta berri oo Axad ah, sidaasi waxaa sheegay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka dowladda KMG. Baarlamaanka ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu kulan ka yeeshay ansixinta xeer hoosaadka, oo qodobo dhowr ah ka yarsan yihiin in la ansixiyo. Baarlamaanka ayaa la filayaa maalinta berri ah inuu cod u qaado [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Koox burcad ah oo dil iyo dhac ugu geesatay shirkad xawaalad waqooyiga Gaalkacyo

gaalkacyo1

Labo ka tirsan shaqaalaha shirkadda xawaaladda Qaran Express ayaa la dilay ka dib markii koox hubeysan oo burcad ah ay weerareen xarunta shirkaddaasi ay ku leedahay waqooyiga magaalada Gaalkacyo. Maxamed Sheekh Xasan oo ka tirsan shaqaalaha shirkadda Qaran ayaa wuxuu sheegay in toban nin oo hubeysan ay gudaha u soo galeen xarunta shirkadda. Waxaa ay [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

M/weyne Shariif oo ku soo laabtay Muqdisho.

shariif-madaxtooyada

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ku soo laabtay magaalada Muqdisho. M/weyne Shariif iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyay xubno isugu jira wasiiro, xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda KMG. M/weynaha oo wariyeyaasha hadal kooban ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Guddiga dastuur sameynta oo qeybtii ugu horeysay soo gaba gabeeyay

golaha-shacabka

>Sida uu sheegay guddiga dowladda KMG u xil saartay diyaarinta dastuur cusub uu yeesho dalka, waxaa la soo gaba gabeeyay qeybtii ugu horeysay ee howshaasi. C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ah gudoomiyaha guddiga sameynta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu intaa ku daray in dalka Kenya lagu daabacayo qeybta la soo gaba gabeeyay ee dastuurka. Dhawaan [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Xaaladda saaka ee degmada Yeed, dagaalo ka dib

ciidan1

Saaka ayaa xaalad deganaansho waxaa laga soo sheegayaa degmada Yeed, halkaasi oo saacadihii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan dowladda KMG iyo Al-Shabaab. Ciidamada dowladda KMG ayaa la sheegay inay toos ula wareegeen gacan ku heynta degmada Yeed ka dib markii meesha ay ka saareen ciidamada Al-Shabaab. Maxamed Macalin oo ka tirsan saraakiisha [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Kooxda Kanava Finland oo ku guuleysatay Koobka K/cagta Eurosom 2010.

euro 7

W/Q: Nadiifa Cali Shadoor Helisink, Finland Ciyaartii Fiinaalka ee kubadda Cagta Eurosom ee sannad waliba lagu qabto qaarada Yurub ayaa waxaa ugu danbayntii ku guuleystay kooxda martida loo yahay ee Kanava Finland ka dib markii 4 – 0 ay ku garaacday kooxda Gothenburg ee dalka Sweden. Ciyaarta maanta la ciyaaray oo aad u kululeyd ayaa [...]

July 31st, 2010 | Posted in Cayaaraha,Maxaa Cusub?,Slider | Read More »

Kun sarkaal oo Dowladda Somalia loogu tababaray Ethiopia oo la la’ yahay.

somalia police

Ku dhowaad kun ka tirsan saraakiisha booliiska Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa la waayay meel ay ka baxeen kadib markii tababar ay maal gelisay Dowladda Germany ay ku dhamesyteen dalka Ethiopia, Caasimadda Online ayaa sidaasi ogaatay. Waxaa iminka laga cabsi qabaa in qaarkood ay ku biiri doonaan xarakada Al-Shabab Al-Mujaahidiin. Bishii September ee sanaddii [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Al-Qacida oo 12 kun oo dagaal yahan ku diyaarisay Yemen iyo taageero Al-Shabab

alqaida yemen

Cadan – Taliye Milatari oo ka tirsan Al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan ka kooban 12,000 (laba iyo toban kun), oo jooga koonfirta dalka Yemen, si ay ula dagaalamaan ciidamada ammaanka ee Dowladda. Mohammed Said al Umdah Gharib al T’aizzi, oo ah taliye sare oo jooga Koonfurta Yemen, ayaa cajalad cod ah oo [...]

July 31st, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...