|

Al-Qacida oo 12 kun oo dagaal yahan ku diyaarisay Yemen iyo taageero Al-Shabab

Cadan - Taliye Milatari oo ka tirsan Al-Qaacidada Jasiiradda Carbeed ayaa sheegay inay diyaariyeen ciidan ka kooban 12,000 (laba iyo toban kun), oo jooga koonfirta dalka Yemen, si ay ula dagaalamaan ciidamada ammaanka ee Dowladda.

Mohammed Said al Umdah Gharib al T’aizzi, oo ah taliye sare oo jooga Koonfurta Yemen, ayaa cajalad cod ah oo shalay la dhageystay sidaasi ku sheegay.

“War wanaagsan ayaan u heynaa dalka Islaamka, kaasina waxa uu yahay in 12,000 oo dagaal yahan lagu diyaariyay Cadan iyo Abyan” ayuu yiri T’aizizi.

T’aizizi ayaa dowladda Yemen ku eedeeyay inay Mareykanka u ogolaatay inay weeraro gantaalo ka fuliyaan Cadan iyo Magrib, waxaana uu wacad ku maray inay weerari doonaan Dowladda iyo Ciidamada ammaanka ee sida uu yiri la shaqeeya Mareykanka.

“Waxaad qarineysaan dambiyada Mareykanka ee dadka muslimka ah, waxaadna u adeegtaan danahaa Mareykanka, waana idiin jawaabi doonaa” ayuu yiri T’aizizi.

Mareykanka ayaa dhowr weeraro dhinaca hawada ah ka fuliyay dalka Yemen, waxaana ka mid ahaa weerarkii gantaal ee 17-kii December 2009 lagu dilay 14 sarkaal oo ka tirsanaa Al-Qacida iyo 41 qof oo rayid ah.

Saraakiil Mareykan ah ayaa wargeyska Long War Journal u sheegay in Al-Qacidada Jasiiradda Carbeed ay tahay tan taageerada ugu ballaaran siisa kooda Al-Shabab ee dalka Somalia.

Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6406

Posted by Alaxmed on Jul 31 2010. Filed under Maxaa Cusub?, Slider, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...