“Author Archive”
Stories written by JD

Qarax 16 askari ay ku dhinteen oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Galgala

gaari qarax

Wararka laga helayo buuraleyda Galgala ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geestay qasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Wararka ayaa sheegaya dhimashada lix iyo toban askari ah iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa miino. Waxaa uu imaanayaa todobaadyo ka dib markii xaaladda buuraleyda [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Ciidanka DKMG oo mushaar la’aan darteed u xiray wadada halbowlaha ee Muqdisho

ciidamo-dk

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo gadoodsan ayaa maanta dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho, waxayna hakad galiyeen wadada kaliya ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan in mudoo ah taasoo ay ka caroodeen. Waxaa ay u diideen dhammaan gaadiidka inay isticmaalaan wadada Makka Al-Mukarrama, xittaa gawaarida mas’uuliyiinta dowladda KMG ayaa loo [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Sharma’arke oo la kulmaya beesha caalamka

Sharmaarke_Sh._Shariif

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda KMG, Cumar C/rashiid Sharma’arke oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Nairobi, Kenya. Sharma’arke oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno wasiiro ah, ayaa kulan wuxuu kula qaadanayaa xubno ka socda beesha caalamka gudaha magaalada Nairobi. Wuxuu la shirayaa xubno ka socda hey’adda Qaramada Midoobay ee UNDP iyo weliba [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Iska horimaad dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh Atam

buuraleyda-puntland

Inta la ogyahay labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku soo qaadeen ciidamada daacadda u ah Sheekh Maxamed Saciid Atam. Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay iyaguna dileen mid ka mid ah mid kalena ay dhaawaceen kooxda weerarku iyaga ku soo qaaday. Labada askari ee [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Barakac aad u xoogan oo ka bilawday degmada Bondheere ee Muqdisho

Somalia Fighting

Inkastoo mudooyinkii u dambeeyay qoysas sidaasi u sii badan aan ku nooleen degmada Boondheere, ayaa hadana waxaa maanta lagu arkay halkaasi dad barakacaya. Degmada Boondheere ayaa saacadihii u dambeeyay waxaa ka socday dagaalo iska horimaad ah iyo duqeymo xoogan oo ay is weedaarsanayaan dhinacyada iska horjeeda. Dadka ayaa u barakacaya magaalada duleedkeeda iyo weliba deegaanada [...]

September 5th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Ciidamo tababar u soo dhamaaday oo Al-Shabaab ka tirsan oo dhoola tus ku sameeyay Muqdisho

shabaab-tababar

Boqolaal askari oo ka tirasan Al-Shabaab ayaa maanta dhoola tus ciidan ku soo bandhigay xerada Maslax ee magaalada Muqdisho ka dib markii tababar loo soo gaba gabeeyay. Munaasabaddan dhoola tuska ah ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab. Afhayeenka xarakada Al-Shabaab, Sh. Cali Dheere oo u khudbeynayay ciidamadan cusub ayaa wuxuu xusay [...]

September 5th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Dagaalo iyo duqeymo xoogan oo ka dhacay waqooyiga Muqdisho

qax-baahsan

Qasaaro badan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay dagaalo iyo duqeymo saacadihii u dambeeyay ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho. Qasaaraha ugu xoogan ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Shingaani, halkaasi oo dhowr iyo toban qof ku geeriyoodeen hal meel ka dib markii tiro madaafiic ah ay ku habsadeen. Maamulka dowladda KMG ee [...]

September 5th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Dad lagu eedeynayo amni darro oo xabsiga la dhigay gudaha degmada Burco

ciidanka

Howlgal ay qaadeen ciidamada ammaanka ee degmada Burco ayaa waxaa lagu qabqabtay dhowr iyo toban qof. Waxaa dadkan lagu eedeynayaa in ay xiriir la leeyihiin dhinacyada hubeysan ee dagaalada ka wada koonfurta iyo bartamaha dalka. Eedeysanayaashan ayaa waxaa loo taxaabay xabsiga degmada Burco ee xarunta gobalka Togheer. Gudoomiyaha degmada Burco, Yaasiin Maxamed Cabdi ayaa wuxuu [...]

September 5th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Madaxweyne Shariif oo ka waramay dastuurka cusub (war saxaafadeed)

shariif-madaxtooyada

Madaxweynuhu, war-murtiyeed uu siiyey warbahinta, wax uu ku yiri, “Dastuur cusub oo Soomaaliya loo sameeyo waa howl qaran oo ahmiyad gaar ah leh, muggeeduna ballaaran yahay, taas oo ay tahay in uu ahaado hab cad oo aan daldaloollo lahayn islamarkaana ku fadhiya sharciyad iyo qaneeco shacab.” Madaxweyne Sheekh Shariif waxaa kale oo uu tilmaamay “Si [...]

September 4th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Maxkamadda sare ee Puntland oo “ka noqotay” xukunkii wariye C/fitaax Jaamac

horseed-media

Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa maanta waxaa ka soo muuqday wariye C/fitaax Jaamac Mire oo dhawaan maxkamadda xukuno ay ku riday. Wariye C/fitaax Jaamac Mire ayaa 14kii bishii hore waxaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah iyo shan boqol dollar oo ganaax ah ka dib arrimo ammaanka la xiriira lagu eedeeyay. Maanta oo [...]

September 4th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...