Kaa’in layaab leh oo habeen walba kula seexda (Maclumaat iyo Mucjiso)

June 1, 2013 3:00 AM4 comments

Waa xasharaad aad u yar oo loo yaqaan ”Dust Mites”, taasoo kula seexata habeen waluba firaashkaaga, kuna harta huwga iyo firaashka ka gadaal markaad soo toosta, taasoo ilaa kudhawaad qarni la yaqaannay hal nooc oo looga badbaada xasaasiyaddeeda. Waxayna qaabkaasi ahayd in firaashka la dhigo cadceedda maalintii oo dhan, taasoo iyana keenta xanuunno kale […]

Sii Akhri ›

Da’da 40-aad iyo Mucjisada Qur’aanka (Maxay gaaladu iminka ogaadeen?)

May 5, 2013 7:09 AM0 comments

Daraasad British ah ayaa dhawaan iktishaaftay natiijada baxthi cusub oo lagu sameeyay xagga maskaxda. Daraasaddan ayaa lagu sheegey in maskaxdu ay korto illaa uu qofku ka gaadho da’da 40-aad, dabeetana ay maskaxdu dib u gurasho samayso wixi intaa ka dambeeyo. Waxay kaloo xuseen khuburrada iktishaaftay natiijada baaritaankani cusub in maskaxdu […]

Sii Akhri ›

Qur’aanka & kala Duwanaashaha Midabbada (Mucjisada Qur’aanka)

April 19, 2013 6:00 AM1 comment

Aayada badan oo kowni ah ayaa insaanka soo mara, oo inuu arka uu misna ka dhoohan yahay oo qafla uga sugan yahay. Waxaynu markaa jecelnahay inaanu maanta ka hadalna wixii culimada casrigu ay iktishaaftay ee ku saabsan midabka iyo siduu Qur’aanka uga hadlay. Waxay markaasi u dhawdahay inaad ogaato mucjiso […]

Sii Akhri ›

Naxdintii Isaameysay Iyo Safarkii Aakhira (Qiso cajiib ah)

April 15, 2013 5:00 AM2 comments

Si kedis ayaa anigoo fuula sariirtayda aan usoo booday, saacadda haddii aan eegay waxay iisheegtay 3:00 waaberiga kudhaw. Malaha xilligaas ayay Muslimiinta Mu’miniinta ahi tukadaan salaadda Fajarka. Waxaan arkay wax qariib ah, waqtiguna wuu ila noqon waayay, waayo xilligaasi oo kale uma baran, caadana iima ahayn inaan soo kaca. Argagax […]

Sii Akhri ›

Sawir Qariib ah iyo raqam mucjiseed yaab badan (Sawir mucjiso ah)

March 23, 2013 12:00 PM0 comments
Sawir Qariib ah iyo raqam mucjiseed yaab badan (Sawir mucjiso ah)

Rabbigii koonkan abuuray ee maamula ee awoodda weyn leh, ayaa mahad iskaleh, innaga dhigey Muslim- Islam, inoosoo direy Muxammad (NNKH) naxariis iyo raxmad ahaan, si uu inoogu duwo tubta toosan iyo dariiqa saxda ah. Xabiibkeenna kuma hadlo hawadiisa, dhawaqiisuna waa waxyi xag Alle iyo ilhaan. Hadalladiisii iyo warsii sheeggiisii waxaa […]

Sii Akhri ›

Muxuu Suubbanuhu (NNKH) inooga reebay ku dhaqashada Eyga Guryaha?

March 7, 2013 2:00 AM0 comments

Waxaynu wada ogsoonnahay kulankeenna Muslimiinta in nebi Muxammad (NNNKH) uu ahaa nebigii ugu fadli badnaa ambiyada Ilaahay iyo rusushiisa. Waxaa loosoo diray khalqiga oo idil, iyadoo uu Ilaahay lasoo direy raxmad iyo naxariis baaxad weyn. Wuxuu inoo keenay diinta naxariista iyo isasaamaxa iyo kalgacalka iyo kalsoonida, iyo ismaqalka iyo wanaagga, […]

Sii Akhri ›

Aragtida Islamka: Guurka khasabka Ah

February 22, 2013 12:30 AM0 comments

Diinta Islaamku ma oggola in gabadha lagu khasbo nin aanay rabin ama wiilka lagu qasbo gabadh aanu rabin balse waxaa ay mid kasta u jideysaa xaqa ay u leeyihiin inay doortaan qofka ay rabaan inay guursadaan. Waalidku xaq uma laha inay gabadha ku khasbaan inay guursato nin aanay raalli ka […]

Sii Akhri ›

Mowliidku waa banaan yahay: Raddin

January 31, 2013 1:00 AM0 comments

Walaal kamid ah aqristayaasha boggan ayaa iisoo direy qoraal ku jira PDF, oo lagusoo aruuriyey axaadiis iyo aayada loo nisbeynaya mowliidka Nebiga (NNKH). Si qiimo iyo sharaf badan ayuu igu weydiiyey su’aal uu leeyahay ”Ma iiga jawaabi kartaa aayadahan iyo axaadiistaan”?. Sidaa darteed baan jecellahay inaan si degen uga jawaabno […]

Sii Akhri ›

Waa maxay Mowliid? (Xaqiiqooyin ku saabsan oo aadan ogeyn + Daliilo

January 24, 2013 2:05 AM0 comments

Bisha waxaa kujirta afar maalmood oo Isniin ah, sidaa darteed kitaabka ay kuqoran tahay siiro ma jirta maalintaas ayuu dhashay. Waxaa sugnaatay oo saxiix ah in uu dhashay maalin Isniin ah. Kitaabka ugu wanaagsan siirada waa kitaabka Al Bidaayah wan nihaayah, dhammaan kitaabkaas iyo kutubbada kale oo dhami waxay isku […]

Sii Akhri ›

Qisadii baraa’ah ee ka ilmeysiisay malaayiinta + Videos

January 23, 2013 12:05 AM0 comments

Baraa’ah waa gabadh Masriyad ah oo toban jira, waxaa iska dhalay labo waalid aabbe Masri, iyo hooyo Suuriyaan. Labadeeda waalid waxay ahaayeen dhaqaatiir, waxay u guureen dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, si ay u helaan noolal sacaada leh oo wanaagsan. Baraa’ah waxay ahayd gabadh yar oo caqli badan, maskax fudud, oo […]

Sii Akhri ›