Home » Wararka You are browsing entries filed in “Wararka”

Burca badeed xabsi lagu xukumay, Mombasa

Burcada oo doonta ka dageysa

Mombassa – 7 qof oo Soomaali ah oo wajahayay eedeymo ku saabsan burcad badeednimo ayaa shan sano oo xabsi ah, waxaa ku xukuntay maxkamadda magaalada Mombasa ee dalka Kenya. Burcad badeedaasi ayaa ku farxay go’aanka ayaga oo filayay in waqti intaas dheer oo xabsi ah ay helaan. Laba koox oo kale oo horey loogu maxkamadeeyay [...]

September 7th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Shariif Xasan oo ku aragti noqday Sharma’arke (Document caddey ah).

sharif hassan 2

Muqdisho -Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia, ayaa ku lug yeeshay muranka ka dhex oogan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia, document la helay ayaa sidaasi shaaca ka qaaday. Document-ga uu ku saxiixan yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa muujinaya in afhayeenka baarlamanka uu ku ra’yi yahay Ra’iisul Wasaaraha, marka ay timaado dastuurka cusub ee Somalia. Warqadan la helay [...]

September 7th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Puntland oo gacan weydiisatay Ethiopia.

faroole in addis

Addis-Ababa – Dowlad goboleedka Puntland ayaa gacan weydiisatay dowladda Ethiopia, ayada oo sare uu usii kacayo, dagaalka maamulkaasi uu kula jiro Islaamiyiin lala xiriirinayo kooxda Al-Shabab, Caasimadda Online ayaa sidaasi ogaatay. Madaxweynaha Maamul goboleedkaasi Ca/raxman Faroole oo booqanaya magaalada Addis-Ababa ayaa la kulmay mas’uulyiin ka tirsan xukuumadda Ethiopia oo uu hogaaminayay wasiiru dowlaha arrimaha dibedda [...]

September 7th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Kumanaan tan oo hub ah oo laga xaday bakhaarada Dowladda Somalia.

weapons

Muqdisho – Kumanaan tan oo hub ah ayaa laga xaday oo laga la’ yahay bakhaarada hubka ee dowladda KMG ah ee Somalia, warbixino ayaa sidaasi sheegay. Ilo-milatari ayaa Caasimadda Online u sheegay inay dowladda Somalia ka dhex jirto cabsi aad u xoogan oo ku saabsan in hubkaasi laga gaday kooxda Al-Shabab ee dagaalka ku heysa [...]

September 7th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

QM oo dhex dhexaadineysa madaxda Somalia.

shariif iyo mahiiga

Muqdisho  – Qaramada Midoobe ayaa isku dayeysa inay xaliso khilafka ka dhex jira Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaraaha Somalia. Sharrif Shekh Axmed iyo Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ku muransan dastuurka qoraal qabyada ah ee Somalia loogu soo qoray dalka Jabuuti, taasi oo keentay in labada mas’uul ay si cad warbaahinta uga shaaciyaan khilaafkooda. Wakiilka xoghayha [...]

September 7th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Qarax 16 askari ay ku dhinteen oo ka dhacay nawaaxiga deegaanka Galgala

gaari qarax

Wararka laga helayo buuraleyda Galgala ayaa sheegaya in qarax aad u xoogan uu ka dhacay halkaasi, kaasi oo geestay qasaaro xoogan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Wararka ayaa sheegaya dhimashada lix iyo toban askari ah iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay qaraxan oo ahaa miino. Waxaa uu imaanayaa todobaadyo ka dib markii xaaladda buuraleyda [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Ciidanka DKMG oo mushaar la’aan darteed u xiray wadada halbowlaha ee Muqdisho

ciidamo-dk

Ciidamo ka tirsan dowladda KMG oo gadoodsan ayaa maanta dibadbax ka dhigay magaalada Muqdisho, waxayna hakad galiyeen wadada kaliya ee magaalada Muqdisho. Ciidamadan ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan in mudoo ah taasoo ay ka caroodeen. Waxaa ay u diideen dhammaan gaadiidka inay isticmaalaan wadada Makka Al-Mukarrama, xittaa gawaarida mas’uuliyiinta dowladda KMG ayaa loo [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Sharma’arke oo la kulmaya beesha caalamka

Sharmaarke_Sh._Shariif

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda KMG, Cumar C/rashiid Sharma’arke oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada caasimadda ah ee Nairobi, Kenya. Sharma’arke oo socdaalkiisa ay ku wehliyaan xubno wasiiro ah, ayaa kulan wuxuu kula qaadanayaa xubno ka socda beesha caalamka gudaha magaalada Nairobi. Wuxuu la shirayaa xubno ka socda hey’adda Qaramada Midoobay ee UNDP iyo weliba [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Iska horimaad dhex maray ciidamada Puntland iyo kuwa Sheekh Atam

buuraleyda-puntland

Inta la ogyahay labo askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay weerar ay ku soo qaadeen ciidamada daacadda u ah Sheekh Maxamed Saciid Atam. Saraakiil u hadashay ciidamada Puntland ayaa waxaa ay sheegeen inay iyaguna dileen mid ka mid ah mid kalena ay dhaawaceen kooxda weerarku iyaga ku soo qaaday. Labada askari ee [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Xasan Dahir oo amray dilalka waxgalka Puntland & Somaliland (Document cadeyn)

xasan-daahir-aweys002

Hogaamiyaha kooxda Xizbul Islam ee Somalia, ayaa hadda ka hor amray dilal iyo shirqoolo ka dhan ah madaxda maamulada Somaliland iyo Puntland, document la helay ayaa sidaasi shaaca ka qaaday. Document-ga uu ku saxiixan yahay Xasan Dahir Aweys ayaa lagu amray maxkamado laga aas aaso labadaasi maamul, ciidankooda oo la kal dhex galo, hubkooda culus [...]

September 6th, 2010 | Posted in Maxaa Cusub?,Slider,Wararka | Read More »

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...