Sawirro: Madaxweynaha Burundi oo ku sugan Muqdisho & Xogta socdaalkiisa

April 22, 2014 2:17 PM0 comments
Sawirro: Madaxweynaha Burundi oo ku sugan Muqdisho & Xogta socdaalkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah magaalada Muqdisho kulan kula qaatay wafdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha dowladda Burundi oo booqasho rasmi ah ku jooga Caasimada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa yiri “Ciidanka Burundi ee AMISOM waxey kaalin muhiim ah ka qaateen horumarka isbedelka Somalia.” Madaxweynaha Brundi […]

Sii Akhri ›

Xildhibaankii 2aad oo Xamar lagu dilay

11:38 AM0 comments
Xildhibaankii 2aad oo Xamar lagu dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in goordhow lagu dilay magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaanka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Isaaq Mursal, ayaa waxaa lagu dilay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho. Xildhibaanka waxaa lagu dilay gurrigiisa, waxaana dilay rag ku hubeysan […]

Sii Akhri ›

S/land oo beenisay ciidamo iyo gaadid dagaal ay uga goosteen Puntland

8:52 AM0 comments
S/land oo beenisay ciidamo iyo gaadid dagaal ay uga goosteen Puntland

Sool (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa beeniyay war ka soo baxay maamulka Puntland, kaasoo ahaa in ciidamo iyo gaadid dagaal oo ka tirsan Somaliland in ay isku dhiibeen Puntland. Taliyaha ciidanka Somaliland ee aaga Sool ayaa warbaahinta u sheegay in warkaas uu been abuur yahay oo aan waxbo ka jirin. Wuxuu […]

Sii Akhri ›

Saddex caqabad oo haysta sirdoonka DF Soomaaliya oo la shacaiyey (Aqri)

6:00 AM0 comments
Saddex caqabad oo haysta sirdoonka DF Soomaaliya oo la shacaiyey (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) - Agaasimaha Hayada Sirdoonka dalka Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac Ayaa markii ugu horeysay ka hadlay caqabadaha hortaagan sirdoonka dalka somaliya. Caqabadaha Hay’ada haysta ayuu agaasimaha ku sheegay inay tahay in ciidamada Sirdoonka dalka aysan helin xog ku aadan shaqsiyaadka ku howlan amnidarada. Waxa kale oo uu sheegay […]

Sii Akhri ›

Amar kale oo dowladda KENYA ay soo rogtay oo wareer baahsan dhaliyey

5:00 AM0 comments
Amar kale oo dowladda KENYA ay soo rogtay oo wareer baahsan dhaliyey

Amar cusub oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa waajibiyay in xog laga ururiyo dadka guryaha kireeysta, kaas oo milkiileyaasha halis u galinaya inay si muddo gaaban ah ku waayaan guryahooda iyo dakhliga ka soo gala kirada, wuxuuna abuuray xaalad uu macluumaadka muhiimka ah ee dadka ugu […]

Sii Akhri ›

Baarlamanka oo dabagal iyo baaritaan ku haya qorshe ka yimid Villa Somalia

4:00 AM0 comments
Baarlamanka oo dabagal iyo baaritaan ku haya qorshe ka yimid Villa Somalia

Kadib markii maalintii Axadda (April 20-keedii) la qabtay kulan ay albaabadu u xidhan yihiin, oo uu ka soo qayb galey afhayeenka baarlamaanka, labadiisa ku xigeen, guddoomiyayayasha 15 guddi hoosaad ee uu baarlamaanku leeyahay, iyo madax ka tirsan waraasaradda, ayaa xildhibaannadu ay sheegeen in aysan wali ku qancin xisaabaadka miisaaniyadda ee […]

Sii Akhri ›

Deegaan Al-Shabab ay go’doomisay oo halis ku jira iyo warar sheegaya inay…

3:00 AM0 comments
Deegaan Al-Shabab ay go’doomisay oo halis ku jira iyo warar sheegaya inay…

Qansaxdheere (Caasimada Online)- Wararka ka imaanaya deeganka Qansaxdheere ee gobalka ayaa sheegaya maleeshiyaadka Al-Shabaab in ay magaalada ka go’doomiyeen dhinac kasta, waxaana laga cabsi qabaa in xaalad adag ay soo wajahdo. Guddoomiyaha degmada Qansaxdheere, Aadan Cali Qooqane ayaa BBC-da u sheegay in degmadiisa ay go’doonsan tahay oo Shabaab ay diidday […]

Sii Akhri ›

Meydadka 3-qof oo uu ku jiro sarkaal ciidan oo saaka lagu arkay magaalada..

2:47 AM0 comments
Meydadka 3-qof oo uu ku jiro sarkaal ciidan oo saaka lagu arkay magaalada..

Baydhabo (Caasimada Online)-Wararka saakay naga soo gaaraya degmada Baydhabo ee gobalka Baay ayaa sheegaya in halkaas lagu arkay meydadka seddax qof oo uu ku ku jirro sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda. Dadkan ayaa la sheegay in laga helay meydadkooda xaafad ku taalla magaalada Baydhabo, waxaana la sheegayaa in ay la […]

Sii Akhri ›

Shabaab: Dilalka xildhibaanada waxay muujineysa ammaan darida Muqdisho

2:16 AM0 comments
Shabaab: Dilalka xildhibaanada waxay muujineysa ammaan darida Muqdisho

Muqdisho(Caasimada Online)- Maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada xildhibaankii labaad oo muddo 24-saac ah lagu dilo magaalada Muqdisho. Sarkaal u hadlay maleeshiyaadka Shabaab ayaa sheegay in dilkaas uu fariin u yahay ammaan darida ka jirta Muqdisho iyo in waxa ay doonayaan ka fulin karaan. Waxaa uu ku goodiyay in cid kasta […]

Sii Akhri ›

Xuseen Carab Ciise oo ku yiri DF: Ma ahan waqtigi shir lagu mashquuli lahaa

2:00 AM0 comments
Xuseen Carab Ciise oo ku yiri DF: Ma ahan waqtigi shir lagu mashquuli lahaa

Muqdisho (Caasimada Online) - Xildhibaan Xuseen Carab Ciise gudoomiyaha gudiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Risaala ayaa sheegay inay amrayaan hayadaha amniga ee dalka Soomaaliya inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilalkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhacay. Xildhibaanka ayaa sheegay in shirka dhanka amaanka ee ka soconaya […]

Sii Akhri ›