Cudurka Meningitis “maskax garaad” (Waxa uu yahay iyo sida loo daweeyo)
Cudurka maskax garaadka ama qoorgooyaha waa caabuq ku dhaca sedexda lakab ee xuubabka dada ama daboola maskaxda iyo xangulaha ee loo yaqaano (Meninge), sidaa daraadeed waa cudur ku lug leh inuu waxyeelo maskaxda, xangulaha, iyo dhamaan habdhiska dareen wadka dhexe.
Qoorgooyaha ama maskaxgaraadka waxa uu noqon karaa mid soo bood ah (acute) ama mudo soo jiitamayay (chronic) cudurkaan waa cudur waa cudur u badan qaarada Afrika oo ku faafa meelaha dadka ku badan yihiin si saf mar ah (epidemic) sida xerooyinka ciidamada, xabsiyada, iyo goobaha wax barashada, cudurkaan waxa uu isku badali karaa cuduro kale oo aad Qatar ah dhamaan cuduradaas waxay sababi karaan in dheecaanka xangulaha iyo maskaxda soo daayaan (cerebrospinal fluid) ay ku xanibaan maskaxda gudaheeda iyagoo tubooyinkii qaadi lahaa daboola. Arintaan oo ka dhalata maskaxda oo biyowda (Hydrocephalus) iyo neerfayaasha maskaxda oo waxyeelooba, waxyeeladaan waxaa ka dhalan kara dhego la’aan (deafness) indho la’aan (blindness) iyo naafoofid kale.
Meningitis-ka waa cudur dilaa ah hadii aan si deg deg ah loo daween, markii la daweeyo kadib xawaaraha layntiisa waa 5%, qofkii ka kacana waxa uu ku reebaa waxyeelo abid ah, hadii aan la daweyn xawaaraha layntiisu waa 30% iyo wixii ka badan.
Waxa sababa iyo sida uu ku faafo
Noole badan oo kala duwan ayaa sababi kara cudurkaan, midka soo boodka ah waxaa laga yaabaa inuu sababa Virus ama Bacteria, maskaxgaraadka viruska-ka sabao waxaa loo yaqaanaa (aseptic ama viral meningitis), midka bacteria-da sababto waxaa loo yaqaanaa (purulent ama bacterial meningitis).
Viral meningitis-ka waxaa laga yaabaa inuu iska tago ama uu isku badalo Bubus (chicken box), jadeeco (measles) qaamo qashiir (mumps) ama dabeesha (polio).
Bacterial meningitis-ka waxaa laga yabaa inaya sababaan dhowr noole oo bacteria ah sida Pneumococi, hemaphilus influence, meningococcal, iyo kuwa kale oo badan.
Calaamadaha lagu garto
Calaamadaha ugu horeeyo ee meningitis-ka waxaa kamid ah
1- madax xanuun (headache)
2- qandho (fever)
3- hamuun la’aan (loss of appetite)
4- gariir (rigors)
5- xanuunn dhinaca adimada ama dhabarka
6- gamaanyo ama lulmo (grossness)
7- isku daran (confused)
calaamadaha waqtiga danbe waxaa ka mdi ah
1- surka oo dib u laabmo oo aan horey u soo loodsameen ( neck stiffness)
2- Kern signs waa calaamado marka qofka dhabarka loo jiifiyo uusan lugahiisa si toos sare u qaadi Karin waxaana sababa waxyeelada uu uu cudurkaan gaarsiiyay xangulaha
Sida loo daaweeyo
waxaa qofka la siiyaa inta badan cirbadaha penishiliinta, xididka ama muruqa afartii saacba mar kuna wad ilaa inta ay xumada caadi kusoo noqneeso, hadii xumada jabto kadib ugu badal kaniini chloromhenicol lix saacba mar mudo 14 maalmood sidoo kale waxaa lagu duraa cirbad Phenobarbital qiyaas dhan 5mg sideed saacba mar hadii uu bukaha soo kogoya kuwad ilaa inta uu kontaroolkiisa soo nqonaayo, waxaad kaloo siin kartaa cabitaan fara badan hadii uusan afka wax ka qaadan Karin faleebooyin kasii xididka.
W/Q/ Macalin Qadar Maxamuud Diiriye
qadar11@hotmail.com
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=5905
walaalo marka hor s,c,w salaantaa islaamka kadib walaalo aad umahadsan tahay aqbaarta wanaagsan ee kusaabsan xaga caafimaadka balse waxaad moodaa inay kahadlayaan wax yaalo badan oo aniga igu saabsan maadaama aan lee yahay madax xanuun iyo gees ama dhinac xanuun joogto ah oo in badani dhaqaatiiay iyiraahdeen xanuunkaan manaqaano balse wixii faah faahin ah isoo sii s,c,w