Caasimadda Online

Gashaantida ugu faca weyn Ingiriska oo u dabaal dageysa dhalashadeedii 105
Clara Meadmore oo ah foodleyda ugu cimriga weyn Britain  ayaa la hadashay saxaafadda xilli ay u dabaaldageysay dhalashadeeda oo iminka laga joogo 105.

Clara sida ay sheegtay waligeed galmood masameyn maxaa yeelay waqtiba uma helin amooro jilid, sidoo kale waxay daaha ka qaaday inay dhibaato u aragtay la haasaawidda ragga.

Ilaa iyo markii ay  da”deydu aheyd 12 sano ayaan ogsoonaa inaan ahaandono kali sidaa awgeed waxaan dadaalkeyga oo idil isugu geeyay inaan nolasheyda maareeyo ayey tiri 105 jirka ku cimreystay bigranimada.

Clara waxay sheegtay inay ku faaneyso inay wali  tahay gashaanti  uusan wali nin hoodo dhihin.

Dadku waxay i weydiiyaan inaan ahay labeeb, jawaabtu waa maya, ka ma helin marna inaan galmood la sameeyo gayaankeyga aya tiri Clara Meadmore.

Gabadhan 105 jirka waxay ka yaabisay dadka ka dib markii ay shaacisay inaysan waligeed yeelan saxiib.

“Way jirtaa inaan lahaa saaxiibo aan gabdho aheyn laakiin waligeey ma dareemin baahi igu qasabta inaan intaas u dhaafiyo ama xittaa aan guursado.” Ayay tiri mar ay la hadleysay warfidiyeenka.

12sano markii ay jirtay ayay Clara qalinka ku duugtay inaysan waligeed guursan, sida muuqatana waa ay ka dhabeysay go”aankii ay qaadatay iyada oo saqiir ah.

Ragg damac ayaa loogu dawgalay, Miss Clara waxay ka shiftay inay jireen ragg badan oo shukaansi raaxadda uga qaaday, qaarkoodna ay u soo bandhigeen barnaamij guur, laakiin  ay kuligood sixun ugu wada daadisay.

Gabadhu waxay faahfaahin ka bixisay inay soo barbaartay waqti dumarka  la yasijiray oo aan loo ogoleyn inay aayahooda ka taliyaan, kadib halgan adag oo ay u gashay inay noqoto qof kaligeed ismeelmariso, waxaa kaddaba timid da”dii.

Booskii ay ninka ka koolkoolinlaheyd waxaa hadda u buuxiyay wax aqris, geedo beeris, socod, cunta karis iyo dhageysiga barnaamijka Woman’s Hour ee kabbaxa Radio 4.

Axmednuur Cabdulaahi Cali

Xafiiska Caasimadda Online

London, UK

ahmednur@journalist.com

Muqdisho: Salaadda ciid laguma tukan karo Masaajidada. (Amar cusub)
Muqdisho – In kasta oo dhowr saacadood un ay naga xigaan, haddii alle uu qadaro salaadda ciidul fitriga ee maanta oo Jimcaha ah, ayaa haddana waxaan lagu tukan doonin Masaajido badan oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxaa taasi ugu wacan amaro ay soo saartay kooxda Al-Shabab, oo ay ku sheegtay inaan la furi karin masaajidada ku yaalla meelaha ay iyaga gacanta ku hayaan.

Waaliga Gobolka Banaadir ugu qaabilsan kooxdaasi Cali Maxamed Xuseen, ayaa taa baddalkeeda dadka ugu baaqay inay isugu yimaadaan goobaha dad badan ay ku tukan karaan.

Waxaa wararka sheegayaan in Al-Shabab ay diyaarisay garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho, oo ciidii hore lagu tukaday.

Waxaa amar ceynkaasi oo kale ah horey u soo saaray Kooxda Xizbul Islam, waana markii ugu horeysay ee dadka Muqdisho si qasab ah loogu sheego inay ku tukadaan meel aan masjid ahayn.

Baadarigii oo ka tanaasulay qorshihii gubista kitaabka Qur’aanka.
Baadariga Mareykanka ah ee Terry Jones, oo horey u sheegay inuu 11-ka bishan gubi doono nuqullo ka mid ah kitaabka qur’aanka Kariimka ah ee Barakeysan ayaa ka tanaasulay qorshihiisa.

Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu qaatay kadib markii kooxda dooneysa inay masjid ka dhisaan meel ku dhow ground Zero, oo ah halkii ay ka bur bureen sarihii twin towers, qaraxyadii September 11, ay ogolaadeen inay meel kale u guuraan.

Hase yeeshee dadka abaabulaya dhismaha masjidka, ayaa sheegay inaysan wadin wax qorshe ah oo ay ku guurinayaan masjidka.

Qorshaha Mr. Jones ayaa si caalami ah loo dhaleeceeyay, waxaana uu horseeday dibad baxyo badan oo ka dhacay caalamka.

Mr. Jones oo ah wacdiye ka tirsan kaniisadda Dove World Outreach Center ee magaalada Gainesville, Florida, ayaa ku dhowaaqay maalin uu ugu magac daray Saturday International Burn a Koran Day ( Sabtida caalamiga ee malainta gubsita Qur’aanka”.

Hase yeeshee shir jaraa’id oo uu qabtay ayuu ku yiri inuu qorsheynayo inuu u safro magaalada New York, si uu ula kulmo dadka wada dhismaha masjidka oo uu ugala xaajoodo inay meel kale u guuriyaan.

Madaxweyne Obama ayaa horey u uga digay Jones in gubista qur’aanka ay fursad ay dad ku qortaan u noqon doonat Al-Qaida.

Akhriste, haddii aadan dhacdadan horey ula socon, halkan ka aqri warbixintii hore. Halkan Dhag Sii.

Bayaankii uu soo saaray oo dhameystiran hoos ka aqri

“This has been for us a very, very difficult, trying time. We have been in much thought and prayer over this whole period.

A lot of times we were asked what would it take for us to call this thing off. We have thought it over many times. We felt very convinced that we should do this.

We thought about what would have to happen for us to call our event off. As we prayed about that, in the past we did have one idea.

This idea we put out in prayer to God. That if he would want us to call this off, if we have accomplished our goal, then our thought was the American people do not as a whole want the mosque at the Ground Zero location.

That if they were willing to either cancel the mosque at the Ground Zero location, or if they were willing to move it away from that location, we would consider that sign from God.

We have, or he has [indicating Iman Muhammad Musri, standing beside him], been in contact with the imam in New York City.

I, with the imam here, will be flying up there on Saturday to meet the imam at the Ground Zero mosque.

He has agreed to move the location. That of course cannot happen overnight. But he has agreed to move that.

We felt that that would be a sign that God would want us to do it.

The American people do not want the mosque there. And of course Muslims do not want us to burn the Koran.

The imam has agreed to move the mosque. We have agreed to cancel our event on Saturday. And on Saturday I will be flying up there to meet with him.”

Madaxweyne Shariif oo jeediyay khudbad xasaasi oo uu ku beegay ciida (Dhageyso)
Muqdisho – Madaxweynaha KMG ah ee Somalia, Shariif Sheekh Axmed, ayaa jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu kusoo beegay munaasabadda maalinta ciida ah.

Waxa uu khudbaddiisa ku weeraray kooxaha dowladda kasoo horjeeda ee uu sheegay inay rabshadaha iyo dagaalada hurinayaan.

Waxa kale uu ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay is gacan qbataan oo ay iskalameeyaan.

Khudbaddaasi waxa ay ahayd mid kooban balse dhinacyo badan taabatay. Halkan Dhag sii si aad u dhageysato khudbadda

Waxyaabaha Raggu doonayaan Dumarkuna aanay dareensanayn (Qormo xiiso leh)
Ma fududa inay haweeneydu ninkeeda siduu rabo u raalligeliso, gaar ahaan kolkay arrinru galmo ku lug leedahay. Waxaa markaa kulmaya isagoon waxa uu tabanayo si bareer ah ugu sheegi karin iyo iyadoo aqoon-darri ka sokow isaga uun wilaayada saarata. Hadduu xitaa sidaas baan rabaa sidaana iga daa oran lahaa hawshii galmada ayaaba saa ku dhadhan beelaysa. Ninku waxa uu jeclaan lahaa inay xaaskiisu iskeed u garato dookhiisa iyo rabitaankiisa isagoon u sheegin.

Haddaba si aynu arrinka u fududeyno, ugu horreyntaba waa inay haweeneydu ogaataa in rag oo dhami isku dookh ka yihiin dhanka galmada oo waxa ninkeedu ka doonayaa ay yihiin waxa nin kasta oo kale uu xaaskiisa ka doono, aanayna ahayn wax ninkeeda ku kooban. Marka xiga waa inay isku daydaa in waxyaabaha aynu soo sheegi doonno ay dhaqan geliso, si ay ninkeeda rabitaankiisa u raalligeliso iyana raaxada ula wadaagto.

1- MARMAR HOGGAANKA QABO

Ka badbadin igama aha haddaan iraahdo rag oo dhami way u riyaaqaan kolkay arkaan haweenkooda oo galmada hoggaanka u haaya, halkay iyagu ka doonan lahaayeen. Ninku markaasi wuxuu rabbigiis iyo ragannimadiisa ku mahadiyaa siduu ugu raaxaynayo xaaskiisa, isagoo weliba falkeedaasi si ba’an ugu kacsada.

Haddaba gabaryahay waa in aanad ka xishoon inaad gacalkaaga ugu baaqdid si aan bareer ahayn una tustid inaad galmo doonaysid, sida adigoo ku jiitama (isku naba), horaadka saara, madaxa iyo garka u salaaxa, hadal macaan oo xodxodasho ahna xaraaraddiisa ku kiciya.

2- SI XORRIYAD LEH U RAAXAYSO

Dumarka qaar baa aaminsan in dhaqdhaqaaqa (niikada) iyo reenka ka baxa xilliga galmada oo raggu dareemaa amaba maqlaa tahay wax ceeb ah, sidaa darteedna iscaburiya iskuna celiya dareenkooda oo dib u liqa. Allow yaa usheega dumarka caynkaas ah inay iscaddibayaan, isna seejinayaan, raggoodana seejinayaan raaxo iyo macaan tii ugu darrayd.

Gabaryahay ogoow rag oo dhami inay aad iyo aad u jecelyihiin inay maqlaan haweenkooda oo reemaya, neeftuuraya, dhunkashada iyo dhabanna qabsigana la wadaagaya. Ogoowna hadduu ninkaagu arko adigoo iska hoosyaal, istiin iyo raaxana aanad qaadanayn, hawsha uu qabanayana la qaybsanayn, inuu marka hore isagu iska shakinayo oo aaminayo inuu yahay wax-ma-tare aan ku raalligeli karin, marka xigana uu kaa qaadanayo fikrad xun oo ah inaad tahay mid aan mayd waxba dhaamin, maantuu ku guursadayna khasaare ka joogo.

Gabaryahay galmadu ma aha oo qura kaqaybgal jireed ee waxa weeye oo kale kaqaybgal dareen iyo rabitaan, dhunkashada iyo ereyada macaanina waa lagama maarmaan, mana loo baahna inaad ka xishootid ee saa u ogoow.

3- GALMO KELIYA MA AHA

Waxyaabaha ninku xaaskiisa ka doonayaa kuma koobna inay sariirta ugu raaxayso, balse waxa uu mararka qaar u baahan yahay jacayl aan ‘jabitaan’ lahayn oo ay laabtiisu ku qabowdo, kalsoonida uu naftiisa iyo naagtiisa ku qabaana ku kororto. Waxyaabaha haddaba uu doonayo waxaa kamid ah, dhunkasho macaan, shafka ku qabasho, salaaxis aanay doonisi ku jirin iyo haasaawe macaan. Waxyaabahaai kolkay guurka ka maqan yihiin wuxu noqdaa sida raashin aan cusbo lahayn.

4- ODAYGAAGU MA AHA AALAD

Dumarka qaar baa u haysta in ninka ay waajib ku tahay inuu xaaskiisa habeen kasta u tago, hadduu saa yeeli waayana uqaata inuu isbeddelay ama dumar kale ka raacay amaba ay ka dhammaatay oo uusan iyadaba raalligeli karin. Haddaba gabaryahay ninkaagu aalad maaha shaqeysa mar kasta oo inta batrool lagu shubo la istaaro, balse waxa weeye bani’aadam ay saameeyaan duruufaha uu ku noolyahay, dadka uu ku dhex noolyahay iyo shaqooyinka uu qabto intaba.

Ninku kolka uu ka fekerayo duruufaha hadba noloshiisa kusoo kordha, niyad uma haayo naag utag, naftiisa iyo niyaddiisuna uma qaybsami karaan laba meelood, markaasi oo kalena waxaa haweeneyda la gudboon inay isku daydo siday u fahmi lahayd mashaakilkiisa, ulana socon lahayd duruufihiisa ugana gargaari lahayd siduu uga gudbi lahaa.

Isha: Buuga Raaxada Guurka

QM, IGAD iyo AMISOM, oo cambaareeyay qaraxii garoonka diyaaradaha.
Nairobi – Qaramada Midoobe ayaa si xoogan u cambaareysay weerarkii ismiidaamanta ahaa ee shalay lagu qaaday groonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu dilay laba askari oo ka tirsan Amisom iyo dhowr qof oo rayid ah.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen xafiiska Qaramada Midoobe ee Somalia ee UNPOS, ururka Goboleedka IGAD iyo Amisom, ayaa waxa ay weerarka ku qeexeen “Ficil argagixiso oo naxdin leh”.

Hadalkaasi qoraalka ah ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay xilli la sugayo maalinta ciidda, oo ah maalin nabadeed, naxariis iyo dabaal deg.

Madaxa xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobe ee Somalia, Augustine Mahiga, ayaa ugu baaqay Soomaalida inay iska diidaan rabshadaha ayna adeegsadaan hab nabeed si ay dalkooda amni ugu soo celiyaan.

Qaramada Midoobe ayaa walaac xoogan ka muujisay xaaladda kasii dareysa ee Somalia iyo rabshadaha iyo dagaalada ay wadaan islaamiyiinta ee sii kordhaya.

Turkiga oo si weyn looga Ciiday Maanta oo Khamiis ah. + Sawiro
İyadoo maanta oo khamiis ah laga wada soomanyahay inta badan dalalka islaamka ayaa saakay salaada ciidul fidriga waxaa laga Oogay dhammaan goboladda uu ka koobanyahay dalkan Turkıga. masaajidka taariikhda weyn ku leh ıslaamka ee lagu magaaco masjidka suldaan Axmad oo inka badan 500 sano xarun u ahaa imbaradhooriyadii cusmaaniyiinta ee ku yaal magaalada istanbul aya ka mid ahaa goobahi sida weyn ay dadku isugu soo baxeen oo ay salaada ku tukanayeen iyadoo ay kala soo qeybgalayeen madaxda ugu sareesa dawladda Turkiga.

Dadka soomaalida ayaa iyaguna ka mid ahaa dadki maanta ciiday iyagoo aroor hore oo saaka buux dhaafiyay goobaha lagu tukanayay salaada ciidul fidriga waxayna halkaas isugu hambalyeenayeen munaasaba ciida.

Dhanka kale masuuliyiinta safaarada soomaalida iyo hogaanka jaaliyadda soomaaliya ee Turkiga oo aan la kulamay ayaa iyaguna hambalyo ku aadan ciida u diray shacabka soomaaliyeed waxayna Eebe kaga baryeen in ciidaan ciida xigta caafimaad iyo nabad ku gaarsiiyo iyagoo ka codsaday shaqsiyaadka iyo kooxaha dagaalamaya in ay qaataan wadada nabada oo ay u naxariistaan maatida soomaaliyeed ee mar walba ku wax yeeloba dirirta.

Damaashaadka iyo farxada ciida ayaa siweyn uga soconayso dalka Turkiga iyadoo maanta laga sooman yahay inta badan dunida muslimka ayaa wadankan waxaa caada u ah in laga dhaqmo qoraal ka soo baxa warada arrimaha diinta kaasi oo lagu xuso maalinka ay bilaabanayso bisha ramadaan iyo xılliga ay ku beegantahay ciida soonfur taasi oo inta badan sabab u noqota dalkaan in uu ka hor soomo ama uu ka hor ciido qaar badan oo wadamada muslimiinta ah sida maanta dhacday oo kale.

Mahad mahmoud mohmed

mahadaani@hotmail.com

Sawiro

“Al-Shabaab ayaa ka dambeysay qaraxyadii garoonka diyaaradaha Muqdisho”
“Xarakada Al-Shabaab ayaa ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ee galabta lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,” afhayeenka xarakada Al-Shabaab ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta.

Sheekh Cali Dheere ayaa wuxuu sheegay weerarada in lagu beegay xilli gudaha garoonka ay ku shirayeen saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM, dowladda KMG iyo wafdi ka socday beesha caalamka oo uu ku eedeeyay dhibaatada xoogan ee ka jirta Soomaaliya.

Weerarka ayaa wuxuu sheegay inay fuliyeen ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab, wuxuuna sheegay weerar inuu qeyb ka yahay dagaalka ay ugu magac dareen “dhabar jebinta kuwa soo gardarooday”.

War saxaafadeed ka soo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa weerarka mid la filan karay, hasa ahaatee aan waxba u dhimi doono howlgaladooda ay ku difaacayaan dowladda KMG.

Ilaa iyo haatan lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay weeraradan ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Warar dheeri ah oo ku saabsan ismiidaamintii lagu fuliyay garoonka Muqdisho
Weeraro ismiidaamin ah oo qasaaro badana geestay ayaa galabta lala beegsaday garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Ku dhawaad toban qof ayaa ku geeriyooday weerarkan oo loo adeegsaday labo gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Bahoku ayaa wuxuu xaqiijiyay dhimashada labo askari AMISOM ah iyo labo ka tirsan ciidamada dowladda KMG.

Markii uu dhacay mid ka mid ah qaraxyada ayaa iska horimaad socday ku dhawaad saacad waxaa garoonka dhexdiisa ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo rag hubeysan oo saarnaa gaari isaguna miineysnaa.

Wararka ayaa sheegaya in ay labisnaayeen dareeska ciidamada dowladda KMG kuwaasi oo xoog ku galay garoonka markii qaraxa hore uu dhacay. Waxyar ka dib ayaa qarax kale oo xoogan waxaa laga maqlay garoonka gudahiisa.

Weeraradan ismiidaaminta ah ayaa waxaa ay dhaceen waxyar ka dib markii garoonka ay duuleen wafdi ka socda beesha caalamka.

Weerarkan ayaa waxaa uu u qaab ekaa weerarkii 32-qof ay ku geeriyoodeen ee bishii hore lala beegsaday hotelka Muna oo ku yaala xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Wixii warar ah ee soo kordha kala soco wararkeena dambe…

Qaraxyo ismaadaamin ah oo lala beegsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho
Ugu yaraan sideed qof oo ay ku jiraan ciidamo ka tirsan nabad ilaaliyaasha Midowga Afrika ayaa dhintay ka dib markii qaraxyo ay maanta ka dhaceen albaabka laga galo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdishu, sida uu xaqiiyey booliska dowlada KMG iyo dadka deegaanka.

Laba qarax oo loo maleenayo ismaadaamin ayaa lala beegsaday ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya garoonka diyaaradaha Muqdishu, halkaasoo wararku ay sheegayaan inay ku dhinteen dad kor u dhaafaya sideed qof oo ay ku jiraan ciidamada AMISOM.

waxaa la soo sheegayaa in gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo uu waday qof naftii hure ah uu ku qarxay meel ay joogaan ciidamada AMISOM oo ah banaanka garoonka diyaaradaha, iyadoo wax yar ka dibna la maqlay qarax kale oo xoogan oo ka dhacay gudaha garoonka.

Dad goob joog ah ayaa u sheegay caasimadda.com in qaraxyadaasi ka dib ay rasaas is dhaafsadeen ciidamada AMISOM iyo dagaalyahano Al-Shabaab ah oo isku soo ekeysiiyey ciidamada dowlada.

Qof ka mida dadka meeshaasi ka dhowaa ayaa u sheegay warbaahinta inuu arkayey meydad badan oo dhulka daadsan qaraxyada ka dib, iyadoo goobta ay wax ka dhaceena ay xireen ciidamada dowlada.

Qaraxyadan ayaa qeyb ka ah weerarada ay wadaan kooxda Al-Shabaab oo ay ku doonayaan inay talada uga tuuraan dowlada KMG ayna wadanka uga saaraan ciidamada shisheeye.