Guddiga dastuur sameynta oo qeybtii ugu horeysay soo gaba gabeeyay
>Sida uu sheegay guddiga dowladda KMG u xil saartay diyaarinta dastuur cusub uu yeesho dalka, waxaa la soo gaba gabeeyay qeybtii ugu horeysay ee howshaasi.
C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ah gudoomiyaha guddiga sameynta dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa wuxuu intaa ku daray in dalka Kenya lagu daabacayo qeybta la soo gaba gabeeyay ee dastuurka.
Dhawaan ayaa la filayaa in qeybtaasi la horgeeyo golaha baarlamaanka dowladda KMG si uu u ansixiyo, ayuu sheegay C/qaadir Sheekh Ismaaciil.
Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay inuu baarlamaanku ogolaado dastuurka cusub.
Dowladda KMG ayaa juhdi xoogan ku bixineysa sidii ay u sameyn laheyd dastuur cusub oo meesha ka saaray dastuurkii hore ee Soomaaliya ay yeelatay 1960-kii.
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6430