|

Kooxda Kanava Finland oo ku guuleysatay Koobka K/cagta Eurosom 2010.

W/Q: Nadiifa Cali Shadoor

Helisink, Finland

Ciyaartii Fiinaalka ee kubadda Cagta Eurosom ee sannad waliba lagu qabto qaarada Yurub ayaa waxaa ugu danbayntii ku guuleystay kooxda martida loo yahay ee Kanava Finland ka dib markii 4 – 0 ay ku garaacday kooxda Gothenburg ee dalka Sweden.

Ciyaarta maanta la ciyaaray oo aad u kululeyd ayaa waxay ku bilaabatay dar dar iyo is afgarad koox waliba dhexdeeda ah waxaana kooxda Gotherburg ay iska qasaariyeen labadii galinba sedex fursadood oo ciyaaryahanka lambarka 8 – aad uu la dul tagay goolhayaha kasoo mar waliba ka qasaariyey fursadahaasi dahabiga ah.

Fursadihii ay qasaariyeen kooxda Gothenburg waxaa ka faa’ideeystay ciyaaryahanada kooxda Kanava Finland taasoo qeybtii danbe ciyaarta wax weyn ka badashay ka dib markii uu badal kusoo galay ciyaaryahanka baalka midig ee difaaca ka ciyaara oo lambarka 2 – aad u sitay Kanava kaasoo keenay Rigoore ay heshay kooxdiisa.

Rigooraha ayaa u laaday kabtankooda kuna hubsaday shabaqa, waxaa misana ay heleen 3 fursadood oo kale waayna ka faa’ideysteen waxaayna kusoo idlaatay 4 – 0 ay guushu ku raacday kooxda Kanava.

Ciyaarahaan ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 7 – kooxood oo loo qeybiyey 2 garuub waxaana kasoo baxay min laba koox kuwaasoo semi finalkii shalay ciyaaray waxaana kaalinta sedexaad soo ciriirsaday kooxda ugu ciyaar fiicnayd sannadkaan ee Walaalaha Qaraabo.

Gabagabadii ayaa koobka waxaa gudoonsiiyey kooxdii ku guuleysatay Gudoomiye Kuxigeenka kowaad ee Gudiga Olompikada Soomaaliyeed Duraan Faarax iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Eurosom Mr. Maxamed Axmed Diini, Xoghayaha Olompikada Soomaaliyeed Mr. Cabdulaahi Tarabi, Tababaraha Xulka Qaranka Baasketka Cabdulaahi Sheekha iyo xubno kale oo ka tirsan Xiriirka kubada Cagta Somalia.

Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6416

Posted by Alaxmed on Jul 31 2010. Filed under Cayaaraha, Maxaa Cusub?, Slider. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...