Kun sarkaal oo Dowladda Somalia loogu tababaray Ethiopia oo la la’ yahay.
Ku dhowaad kun ka tirsan saraakiisha booliiska Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa la waayay meel ay ka baxeen kadib markii tababar ay maal gelisay Dowladda Germany ay ku dhamesyteen dalka Ethiopia, Caasimadda Online ayaa sidaasi ogaatay.
Waxaa iminka laga cabsi qabaa in qaarkood ay ku biiri doonaan xarakada Al-Shabab Al-Mujaahidiin.
Bishii September ee sanaddii 2009, ayaa Dowladda Germnay waxa ay bixisay hal milyan oo dollar, oo lagu maal gelinayo tababarkaas saraakiisha Dowladda Somalia.
Tababarkaas oo ka dhacay dalka Ethiopia ayaa markii uu dhamaaday kadib waxaa saraakiisha la siiyay qalab iyo hub si ay dalkooda dib ugu noqdaan kadibna uga qeyb galaan soo celinta nabadda.
Hase yeeshee laba bil kadib markii tababarka uu dhamaaday ayaa ku dhowaad kun ka mid ah saraakiishaas la tababaray la waayay meel ay ka baxeen, waxaana war ugu dambeysay ayaga oo kusii socda magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
Bayaan kasoo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibedda Germany ayaa lagu qiray in xukuumadda Berlin ay bixisay lacagta tababarka, kadibna askarta loo kaxeeyay Muqdisho ayada oo Ethiopia dusha kala socota.
Lama oga halka ay qabteen saraakiisha Soomaalida ah ee la la’ yahay, hase yeeshee waxaa aad loo rumeysan yahay in qaarkood ay isaga baxeen ciidannimada halka qaar kalena ay ku biireen kooxaha kasoo horjeeda dowladda, oo Al-Shabab ugu horeyso.
Musuq maasuqa baahsan ee ka dhex jira Dowladda Somalia, ayaa hogaamiyay in ciidanka Dowladda aan la siin wax mushahar ah, waana taas sababta 80% ay ciidamada Dowladda ugu goostaan dhinaca Al-Shabab oo lacag fiican ay ka helaan.
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6412