|

Maxaa keena xaw-yarida (shahwo yarida)

Waa maxay Low sperm count?

Low sperm count (Oligospermia) waxaa loo yaqaanno Xaw-yari waxay ka mid tahay waxyaabaha keeno in raggu madhalays noqdaan.

Waxaa la dhihi karaa qofka wuxuu qabaa xaw-yari markii 1ml of manidiisa ah laga hel0 in ka yar 20 million oo xaw ah (sperm).
Waxaa badanaa la isku qaldaa xaw-yari (Low sperm) iyo Mani-yari (Low semen).|

Mani-yari waa biyaha ragga oo yar, xaw-yarina waa unugyada abuurka ragga oo u qaabilsan bacriminta ugxanta oo yar.
Mani-yarida wuu ogaan karaa qofka laakiin in xaw-yari jirto ma ogaan karo illaa inta laga baarayo oo sheybaar la geeyo manida ka dibna la tiriyo meeqo xaw ayaa ku jirta halkii 1ml oo mani ah.

Maxaa keeno xaw-yarida?

Xaw-yarida waxaa keeno dhawr xaaladood oo ay ka mid tahay, cudurro, daawooyin, hormoonnada iyo vitaminnada qaar oo yaraado.

Waxyaabaha keeno xaw-yarida waxaa ugu horreeya kuwaan:

1- Dhibaatooyin la xiriira samaysanka xawada, kuwaanoo ku dhaca dadka ku dhasha iinta (hidda-socod).

2- Xaniinta oo dhaawacanta waxay keeni kartaa xaw-yari ama xaw-la’aan.

3- Nafaqo darrida waxay keentaa xaw-yari weliba markuu jirka ku yaraado curiyayaashaan (Zinc, Selenium, Vitamin C IWM)

4- Kuleel siyaado ah oo gaaro xaniinta sida Saunas-ka lagu qubeysto ama biyo aad u kulul oo ku istinjooto.

5- Sigaar cabidda waxay keentaa xaw-yari.

6- Daroogada sida Cocaine iyo Marijuana waxay yareeyaan xawada 50%.

7- Khamriga sidoo kale wuxuu dilaa xawada sidaa darteed dadka aad u cabo waxay u keentaa xaw-yari.

8- Waxaa jiro daawooyin badan oo keeno xaw-yari sidaa darteed daawo ha qaadan adigoo kala tashan dhakhtar.

9- Sunta iyo shucaaca waxay aad u yareeyaan xawada.

10- Xaw-yarida waxay ku badantahay oo kale ragga aadka u cayilan.

11- Welwelka iyo fikirka wuxuu keenaa xaw-yari.

12- Arooriyaasha xiniinyaha oo barara (Varicocele) waxay keenaan xaw-yari iyo madhalaysnimo.

13- Waxaa kaloo la sheegaa in baaskiil wadowga muddada dheer uu keeno xaw-yari maadaada korsiga baaskiilka uu cadaadis joogto ah ku hayo xidada iyo neerfaha ku shaqo leh xawada.

14- Waxaa kaloo xaw-yarida laga qaadaa in qofku uu gacantiisa biyo isaga keeni jiray in muddo ah taasoo loo yaqaanno (Siigeysasho)

Sidee loo daaweeyaa xaw-yarida?

Sida aan kor ku soo xusnay daaweynta xaw-yarida waxa ay ku xirantahay waxa keenay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah haddi adiga iyo lamaanahaada aad ka cabanaysaan madhalaysnimo in aad la tashataan takhtar maxaa yeelay waxaa keeni kara dhawr dhibaato oo kala duwan.

Midda kale xaw-yarida qofku ma sheegi karo mana dareemi karo illaa in baaritaan sheybaar lagu sameeyo.

Haddii aad xaw-yari lagugu sheegay baaritaan sheybaar ka dib waxaad kaalmaati ahaan u sii samayn kartaa adigoo la kaashanaya dhakhtar waxyaabahaan soo socda:

1- Caafimaadkaaga ku dadaal, cun cunno isku dheellitiran iyo khudrad.

2- Jimicsi joogto ah sameey

3- Yarey diiqada iyo welwelka

4- Miisaankaaga hoos u dhig

5- Jooji isticmaalka sigaarka, tubaakada, khamariga iyo maandooriyaashaba.

6- Ha isticmaalin daawo uusan dhakhtar kuu qorin ama aadan kala tashan.

7- Waa in laga fogaadaa gacanta oo biyo la isaga keeno

8- Ka fogow in aad gashato dhar aad kugu dhagan sida jiinisyada qaar.

9- Iska ilaali in aad ku qubeysato biyo aad u kulul ama aad dhex fadhiisato.

Waxaa jiro kaniini loo yaqaanno kobciye xaweed (Semen enhancement pill), inta aadan isticmaalin daawadaan waa in aa fikrad ka heysatid shirkadda soo saartay maxaa yeelay shirkado aad u badan oo aan la garaneyn oo xayeysiiya kaniiniyadaan ayaa jira taasoo haddii lagu dagdago dhibka kuu kordhin karata.

Midda labaad inta aadan kaniiniga isticmaalin kala tasho takhtar in aad u baahantahay iyo in kale iyo waliba sida aad u isticmaaleysid.

W/D: Xiriirka Caafimaadka Soomaaliyeed.

Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6207

Posted by Alaxmed on Jul 28 2010. Filed under Caafimaadka, Maxaa Cusub?, Slider. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

1 Comment for “Maxaa keena xaw-yarida (shahwo yarida)”

  1. WAAD MAHADSAN TIHIIN XIRIIRKA CAAFIMAADKA SOOMAALIYEED IYO WALBA WEBKA CAASIMADA MAXAA YEELAY WAA LOO BAAHAN YAHAY MARKASTA WAX KU SAABSAN CAAFIMAADKA BINU AADAMKA WAANA KU CAMAL FALI DOONAA INSHA ALLAAHU

Leave a Reply

Recently Commented

  • Mohamed Midnimo: @ Jiijo waad ku mahadsan tahay aqrintaada, waxaan ku leeyahay mar kale adigana aqriso, si aad uga...
  • jiijo: adaa mudan sheeko macaan weeye ee mar kale kusoo celi
  • Alvaro Smoak: I was actually seeking to get an electronic cigarette. Before I order electronic cigartette may you...
  • khaliif: CIIDAN SHISHEEYE XAL MA KENI KARAA JAWAABTU WAA HAA SABABTOO AH MEESHA CIIDANKA LA GEYNAAYO WAA MUQDISHO...
  • Tablik: Haddii aay dhacdo arintaas waxaa meesha kabaxaya Musuqii Somalida ee lacag lunsiga Shirkaddaan waa Faransiis...