|

Columbus, Ohio: Arday Soomaaliyeed oo qallin jabisay+ Sawiro.

Boqolaal arday Soomaaliyeed ayaa si buuxda uga qalinjabiyay dugsiyada sare iyo macaahida gobolka Ohio sanad dugsiyeedka 2009 – 2010. Xaflad si caalami ah loo soo agaasimay oo ka dhacday bartamaha magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa bulshada Soomaaliyeed si farxad leh ugu dabaal dageen qalinjabinta ardaydan aadka u badan. Tiro ardaydii ugu badanayd ee ka baxda dugsiyada deegaanka ayaa sandan ka qalinjabiyay.

Munaasabada dabaaldaga ardayda ayaa waxaa si buuxda bulshada Soomaaliyeed ugala qeyb qaatay masuuliyiin dhanka dawlada heer magaalo iyo gobol. Duqa Magaalda Columbus, Moyer Micheal Coleman, ku xigeenka Xeer ilaaliyaha gobolka Ohio Donna Peters, Mudanaha deegaanka Distirict 27 Carligton Weddington, Masuuliyiinta jaalida gobolka, qaar ka mid ah macalimiinta jaamacadaha, waalidiin iyo masuuliyiin kale ayaa si buuxda dhamaantood ugu hambalyeeyay aradaydan qalainjabisay.

Masuuliyiinta oo aradayda ugu hambalyeeyay dadaalka ay sameeyeen ayaa dhamaan sheegeen inay si weyn ugu faraxsan yihiin kala qeyb qaadashada arrintan farxada leh. Waxayna ardayda siiyeen dardaaran aad u dheer oo ku saabsan siday u gaari-laahaayeen horumar buuxa wax barashadoodana u sii wadan lahaayeen. Waxay tilmaan buuxda ka siiyeen sida loogu han weyn yahay mustaqbalkooda quruxda badan iyo tacliintooda sare.

Sikastab ha ahaatee waxaa la filayaa in xafladaha caynkan ah ay dhiirogalin buuxda siiyaan dhalinyarada, si ay u sii wataan waxbarashadooda iyaga oo u dhabar adaygaya waqtiga adag ee wax barashada loo maro.

Maahan markii ugu horeysay ee arday Soomaaliyeed ka qalin jabiso dugsiyada sare ee gobolka, kuliyadaha iyo jaamacadaha, balse muhiimada goonidaa ee sanadkani leeyaya ayaa ah in tirada ardaydu tahay mid aad u badan. Dhab-ahaantii waa arrin lagu wada farxaa in qaab noocan oo kalaa bulshadu u xusto ama u qadariso dadaalka wax-barasho ee ardayda Soomaaliyeed suubiyeen.

Waxayna noqonaysaa in arrintani noqoto mid la caadaysto ama sanadkasta si buuxda bulshadu uga wada qeyb qaadato. Sawirka ugu qurxoon ee arrintan laga muujin karaana waxa uu ahaa mid ka muuqda wajiyada dhamaan ardaydii qalinjabisay iyo tahniyadaha dad weynuhu u soo jeedinayeen.

Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=5041

Posted by Alaxmed on Jul 11 2010. Filed under Maxaa Cusub?, Slider, Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Recently Commented

  • MAXAMED$ ABDIRASHIID: saxiib waan kulalinaynaa waxaakaa muuqadata inaad diinta katagtay diinteenii ka fogatay ee...
  • tablik@hotmail.com: Waxaa aad iisoo jiitay Xikmadda uu ka yiri Mahatm Gani ee ah MEESHII UU JACEYL JIRO WAXAA JIRA...
  • abdikadir: magacaygu waa cabdi qaadir Hirsi waxaanan ku noolahay gobolka minnesota ee wadankaasi maraykanka ,waxaanan...
  • xabuu: aad ayaad u mahadsantihiin dhalinta ama shaqaalaha caasimadda runtii wali ma aanan arag website idinla mid ah...
  • maxamuud c/raxmaan maxamed: jaceel waxa aan ka dhahayaa aniga waa daren aan lahen wax qayaas ah oo qofka uu hayo oo...