Noocyada kala duwan ee Vitamiinada, waxtarkooda iyo meelaha laga helo
Vitamiinada waa walxo kuwaasoo jirkaada uu u baahan yahay si ay uga qayb-qaataan koriimada, waxaa jira noocayo badan waxaana ka mdi ah vitamin A, C, D, E, K, iyo vitamin B oo ka kooban qaybo badan oo ay ka mid yihiin B1 ilaa B12, inta badan waxaad ka heli kartaa vitamiinada cuntooyinka kala duwan ee aad cunto, jirkaada sidoo kale waxa uu sameesan karaa Vitamin D iyo Vitamin K.
Nooc kasto oo Vitamiin ah waxa uu qabtaa shaqo gaar oo hadii uu kugu yaraado oo kugu imaan karto cuduro tusaalo ahaan.
Vitamiin B groups(B1 ilaa B12), waxay lagama maarmaan u yihiin
· Koritaanka caruurta
· Ilaalinta caafimaadka maqaarka iyo xuub axaleedyada
· Sameynta unugyada dhiiga cas cas (RBC)
· Caafimaadka nudayaasha dareen wadka
Hadii uu yaraado vitamiinkan waxa uu keeni karaa, koritaanka ilmaha oo liita, carabka oo jirada, qofka waxaa ku dhici kara dhiig yari, waxaa kaloo qofka ku dhici kara dhibaato xaga neerfayaasha, waxaana laga helaa vitamiinkan miraha oo dhan, caanaha, hilibka, beerka iyo kaliyaha.
Vitamin C waxa uu fiican yahay
· Raysashada dhaawacyada
· Caafimaadka maqaarka
· Caafimaadka xuub axaleedyada sida ciridka.
Hadii uu yaraado raysashada dhaawacyada oo liita, afka iyo ciridka oo si fudud u jirada waxaana laga helaa vitamiinkan miraha fareeshka ah oo aan la karkarin sida liimooyinka kala duwan iyo miraha canabka.
Vitamin A waxa uu lagama maarmaan u yahay caafimaadka indhaha hadii uu qofka ku yaraado waxaa u dhici kara caafimaada xumo xaga indhaha ah waxaana laga helaa caanaha, subaga, ukunta, caleenta cagaaran.
Vitamin D sidoo kale waxa isna u fiican yahay habsami u shqeenta ilkaha iyo lafaha hadii la waayana waxaa qofka ku dhaca cudurka loo yaqaano Rickets oo ah cudur lafaha lugaha qalqaloociya waxaana laga helaa caanaha subaga, kaluunka, iyo ukunta.
Viatamin K, vitamiinka waxa u muhiim u yahay xinjireenta dhiiga hadii uu qofku waayana waxaa ku dhici kara dhiig bax, vitamiinkan waxaa laga helaa caleenta cagaaran iyo karootada.
Vitamin E vitamiinkan waxa uu ka qayb qaataa xaga taranka hadii uu qofku yaraadana waxay dhibaato kaga timaadaa xaga taranka waxaana laga helaa qudaarta cagaaran, caanaha, iyo kaluunka
Hadaba waxaa muhiin ah inaad hesho cunto isku dheeli tiran si jirkaadu u helo caafimaad wanaagsan oo aadna uga badbaado cudurada ku yimaado nafaqa xumida.
W/Q/ Macalin Qadar Maxamuud Diirye
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=5496