Raila Odinga: Kenya ciidan uma direyso Somalia.
Nairobi - Ra’iisul Wasaaraha Kenya ayaa sheegay in dalkiisa sida muuqata uusan ciidamo u diri doonin dalka Somalia, laakiin taasi ay weli tahay wax ay ka fiirsanayaan.
Raila Odinga ayaa CNN u sheegay in sababta ay tahay xuduuda Kenya ay la wadaagto Somalia ayaa meesha ka saareysa in Nairobi ay ciidan u dirto Somalia.
Ciidamo Kenya ay u dirto Somalia ayaa loo arki karaa inay qabsaneyso dalka Somalia, sida uu sheegay Odinga.
Odinga ayaa intaas ku daray in marka Midowga Africa ay ku dhowaaqaan inay ka go’an tahay inay ballaariyaan howl galka nabad sugida Somalia, in markaas kadib ay Kenya dib u eegi doonto mowqifkeeda.
Odinga ayaa sidoo kale ka hadlay halista uu sheegay in Al-Shabab ay ku heyso dalka Kenya.
Waxa uu sheegay in Kenya aysan meesha ka saareyn weerar difaac nafsi ah ay ku qaado Somalia, haddii ay sii socdaan buu yiri weerarada ay Al-Shabab ka waddo dhinaca xadka.
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6397