Ramires oo doonaaya inuu ku biiro Kooxda Chelsea
Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Benfica iyo wadanka Brazil Ramires ayaa ka codsaday kooxdiisa Benfica inay fasaxaan si uu ugu biiro kooxda Chelsea.
Chelsea ayaa soo bandhigtay dalab xoogan oo ay ku dooneeso laacibkaan iyadoo ku raadineesa 20 Milyan oo Gini.
Kooxda Benfica ayaa iska diiday dalabkaas iyadoo sheegtay inaaney lacagtaas ku iibineen laacibkeeda qadka dhexe.
Ramires, ayaa sheegay inuu dooonaayo inuu ka cayaaro Horiyaalka Ingiriiska, isagoo ku tilmaamay dalabka kooxda Chelsea riyo u dhow inay u rumowdo.
“Waxaan doonaayaa inaan ka cayaaro Horiyaalka Ingiriiska gaar ahaan Chelsea, waxa ay ii tahay sharaf weyn inaan ka cayaaro halkaas, waana riyo run ku dhow” ayuu yiri Ramires oo la hadlaayay ESPN Soccernet
“Waa wax lagu farxo ka garab ciyaaridda John Terry, F.Lampard, Peter Ceckh iyo Didier Drogba, sidoo kale waa wax aan la aamini karin oo riyo ah ka hoos ciyaaridda Macallin Carlo Anceloti” ayuu sii raaciyay Ramires.
Xiddigaan da’da yar ayaa u dhashay wadanka Brazil, waxa uuna ka mid ahaa xiddigihii ka qeyb galay koobka aduunka ee sanadkaan lagu qabtay S/Africa.
———————————————————————————————–
Bogga cayaaraha ee Caaimadda Online
W/D: Ibrahim Geedow Cawale (Biibbo)
Nairobi_Kenya +254721944591
Injineerka3@hotmail.com
Injineerka14@yahoo.com
Injineerka14@gmail.com
www.facebook.com/Ibrahim.gedow
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6378
