Ronaldo “Waxaan doonaayaa Number 7″
Xiddiga qadka dhexe iyo weerarka uga cayaara kooxda Kubadda Cagta ee Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday inuu doonaayo inuu xero Nambarka 7-aad ee kooxdaas.
Kabtankii kooxda Real Madrid Raul ayaa xernaa nambarkaas dhowr iyo tobankii sano ee u dambeesay, hase yeeshee toddobaadkan ayuu ka tagay kooxdiisii uu kusoo barbaaray.
Raul, waxa uu ku biiray kooxda Schalke 04 ee Jarmalka ka dhisan, waxaana la gudoonsiiyay nambarkiisa uu jeclaa ee 7
Ronaldo, ayaa ka codsaday macallinka cusub ee kooxda Real Madrid Jose Morinho in uu u gacan galiyo nambarkaas oo uu sheegay inuu aad u jecelyahay.
“Waxaan doonaayaa inaan xerto Nambarka 7-aad waxaana u maleenaa in Raul uu ku farxi doono arintaaas” ayuu yiri Ronaldo oo la hadlay AS.
“Raul, waxa uu ahaa halyeey soo maray kooxdaan, waxaana rajeenaayaa in aan buuxiyo booskiisa iyo magaciisa oo uu ku lahaa kooxdaan” ayuu sii raaciyay.
Ronaldo, ayaa nambarkaan 7-aad u qaata xulka qaranka Portugal, sidoo kale waxa uu u xeran jiray kooxda Man Utd markii uu ku sugnaa.
Raul, ayaa u diiday nambarkaan inay xertaan Dhowr cayaaryahan oo xiiseeya nambarkaan oo kusoo biiray Real Madrid, waxaana ka mid ahaa Luis Figo, David Beckham iyo Cristiano Ronaldo.
C.Ronaldo hadda kooxdiisa Real Madrid waxa uu u qaataa Nambarka 9
———————————————————————————————–
Bogga cayaaraha ee Caaimadda Online
W/D: Ibrahim Geedow Cawale (Biibbo)
Nairobi_Kenya +254721944591
Injineerka3@hotmail.com
Injineerka14@yahoo.com
Injineerka14@gmail.com
www.facebook.com/Ibrahim.gedow
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6374
