Saddex qof oo ku dhaawacmay shil gaari gudaha degmada Mustaxiil
Shil gaari oo waxyeelo geestay ayaa ka dhacay degmada Mustaxiil ee dhulka Soomaalida ee ay iska maamulato Ethiopia.
Gaariga shilku qabsaday ayaa wuxuu ka ambabaxay gobalka Hiiraan, wuxuuna ku qalimbay degmada Mustaxiil, dad deegaanka ka tirsan ayaa sidaasi ku waramay.
Saddex qof oo ka mid ah rakaabka ayaa dhaawacmay ka dib markii gaariga oo xowli ku socday uu shil galay.
Dadka ku dhaawacmay ayaa waxaa loo qaaday deegaanka Feerfeer si halkaasi loogu soo daweeyo.
Shilalka gawaari ee mar walba dhaca ayaa waxaa ay u badan yihiin kuwo ay sababeen xirfad la’aan iyo weliba burburka wadooyinka.
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6382