Xaaladda saaka ee degmada Yeed, dagaalo ka dib
Saaka ayaa xaalad deganaansho waxaa laga soo sheegayaa degmada Yeed, halkaasi oo saacadihii u dambeeyay ay ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan dowladda KMG iyo Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda KMG ayaa la sheegay inay toos ula wareegeen gacan ku heynta degmada Yeed ka dib markii meesha ay ka saareen ciidamada Al-Shabaab.
Maxamed Macalin oo ka tirsan saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ayaa wuxuu sheegay dhankooda inuu ka soo gaaray qasaaro kooban dagaaladii ka dhacay degmadaasi Yeed; wuxuuse intaa ku daray in ay qasaaro badan ay gaarsiiyeen ciidamada Al-Shabaab.
Wuxuu ku eedeeyay Al-Shabaab in ay xad gubuyo u geeteen shacabka degmada Yeed.
Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin – oo saxaafadda hadal siiyay markii dagaalka uu bilawday galabnimadii Khamiista – ayaa wuxu u sheegay in ay weerareen ciidamo isku aruursanayay degmada Yeed, isla markaana qasaaro xoogan gaarsiiyeen.
Short URL: http://www.caasimadda.com/?p=6429